Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta Xarunta Wasaaradda kulan kula qaatay wafdi ka socday Bangiga horumarinta Afrika (AFDB) oo soo gaaray Magaalada Muqdisho.
Kulanka u dhexeeyay Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo wafdiga ka socdauy Bangiga horumarinta Afrika (AFDB) ayaa waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka wanaagsan eek a dhexeeya labada dhinac.
“Waxaa uga mahadcelinay taageerada ay nasiiyaan ee ku saabsan horumarinta iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka†ayuu yiri Wasiir Beyle oo War qoraal ah bartiisa Facebook kusoo qoray.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle kulanka uu la qaatay wafdiga ka socday Bangiga horumarinta Afrika (AFDB) waxaa ku wehlinayay xubno ka tirsan Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya.