Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Maxamed Amar-dambe ayaa Maanta kulan la qaatay Safiirka dowladda Ingariiska u fadhiya Soomaaliya Mr. Ben Fender.
Kulanka u dhexeeyay Wasiir Amar-dambe iyo Safiirka Ingariiska ayaa waxaa looga hadlay taageeradda Dowladda UK ay siiso Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo sidii ay uga qeyb qaadan laheyd dib-udhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliya.
Wasiir Amar-dambe ayaa Safiirka iyo dowladda Ingariiska uga mahadceliyay Dib-udhiska iyo Tayeynta ay ku wadaan Taliska qeynta 60’aad ee Ciidanka Xoogga dalka ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
“Waxaan aad iyo aad ugu mahadcelinayaa Dowladda UK, Dib-udhiska iyo Tayeynta ay kawadaan Taliska Qeybta 60’aad CXDS ee Koonfur Galbeed, oo hada Dowladda Uk ka hirgelisay dhismo Xero Cusub oo Ciidamadda XDS lagu tababaridoono, waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa Safiirka Dowladda UK Mr. Ben Fender oo shaqo wanagsan naga dhaxeyso†ayuu yiri Wasiir Amar-dambe.