Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa shaacisay dad hor leh oo laga Cudurka halista ah ee COVID-19, kuwaasi oo baaritaano Caafimaad lagu sameeyay, kadibna laga helay xanuunka.
Warbixinta maalinlaha ah oo ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka ayey ku sheegtay in saacadihii lasoo dhaafay Cudurka laga baaray 1,671 qof, isla markaana laga helay 245 ruux oo kamid ah dadkaas.
Dadka laga helay Cudurka ayaa ku kala sugan Somaliland (78), Puntland (11), Jubbaland (15), Hirshabeelle (14), Gobolka Banaadir (14) iyo Galmudug (13), waxaana bukaanada cusub 156 kamid ah ay yihiin rag, halka 89 kalena ay yihiin Dumar.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in saacadihii lasoo dhaafay Cudurka ay Somaliland ugu dhinteen 8 ruux iyo Puntland oo 3 qof, kuwaasi oo ahaa dad uu horey ugu dhacay xanuunka, waxaana ka bogsaday 107.
Tirada guud ee Cudurka COVID-19 laga diiwaan-geliyay gudaha Soomaaliya aya gaartay 13,324 qof, isla markaana waxaa ka bogsatay 5,518, halka ay u dhinteen 678 , sida ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya.