Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Goordhow ku dhawaaqday in Maanta berri tahay maalinta Koowaad ee Ciidul Fitriga,isla markaana Ummadda ugu hambalyeeysay bilasha 1-da bisha Shawaal.
Agaasimaha Waaxda Diinta ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Cali Dheere ayaa si toos ah Warbaahinta dowladda uga shaaciyay in Berri tahay maalin Ciid oo Bisha shawaal laga arkay meelo badan oo kamid ah Gobolada dalka Soomaaliya.
Goobaha bisha laga arkay ayaa waxaa kamid ah deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe,Shabeellaha Hoose,Magaalada Kismaayo iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobolada dalka.
Sidoo kale qaar kamid ah Wadamada Islaamka oo ay ugu horreyo Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay in la arkay Bisha Shawaal,isla markaana maalinta Berri ay koow noqon doonto Bisha.