Wasaaradda Awqaafta ee dalkaasi waxay shalay ku dhawaaqday inay bilaabeen 4 Bogag Facebook oo Luqadaha Soomaali, Amxaari, Hoosaha iyo Pashto.
Wakaalladda Wararka Bariga Dhexe ee MENA ayaa sheegtay in qorshahaasi looga dan leeyahay in lagu faafiyo Farriimaha Taageeradda Islaamka ee isku-dul-qaadka, La-dagaalanka Fikradaha Xag-jirnimadda iyo qiimaha Aadminimadda iyo kobcinta
kobcinta mabaadii’da wada-noolaanshaha Nabadeed.
Dhinaca kale, Wasaaradda Awqaafta ee dalka Masar waxay horey u furtay boggag Facebook ee 22 Luqadood oo kala duwan, kuwaasi oo ay ku jiraan Luqadaha English, German, French, Turkish, Spanish, Italian, Greek, Swahili, Urdu, Chinese, Persian,Russian, Indonesian, Thai, Albanian, Korean, Pashto, Hausa, Amharic, Somali, Arabic iyo mid ah Luqadaha Astaanta Frata ay dadka Dhagoolayaasha adeegsadaan.