Wasaarada Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta soomaaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku daahfurtay Shirka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maamul baahinta (Dowlad Gobaleedyada Dalka iyo Maamulka Gobalka Banaadir).
Inta uu socdo Shirka ayaa waxaa looga hadli doonaa laguna doonaa Siyaasada qaran ee Maamul baahinta ee Dowlad Gobaleedyada dalka ka jira iyo Maamulka Gobalka Banaadir.
Sidoo kale Shirkaas oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa waxaa ka qeyb galaya Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Dowlad Gobaleedyada, Maamulka Gobalka Banaadir iyo xubno kale.