Afhayeenka wasaaradda Amniga Maxamed Yuusuf Cusmaan oo la hadlay Radio dalsan ayaa ka warbixiyay howlgalo ay ciidamadda dowladda iyo kuwa Amisom ay ka sameeyeen degmooyinka Waaberi iyo Xamar Jajab ee gobolka Banaadir.
Howlgalka oo ahaa mid aad u xoogan ayaa waxaa sameeyay ciidamadda NISA, Boliiska, Miliriga iyo AMISOM.
Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid bartilmaameed ah islamarkaana lagu baarayay guryo iyo shaqsiyaad laga shakisan yahay.
Afhayeenka ayaa tilmaamay in shacabka Waaberi iyo Xamar Jajab ay si wanaagsan ula shaqeeyaan hay’adaha dowladda waxaana dhanka kale uu baaq u diray shacabka degmooyinka kale.
Dhinaca kale Waxaa uu xusay in howlgalkan uu ahaa mid lagu xaqiijinaayay Amaanka guud ee Xamar Jajab Iyo Waaberi.