Kadib markii ay soo baxeen warar sheegayay in Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho at la wareegeen Ciidamo Xasilinta iyo koofi gaduuda ka tirsan ayaa waxaa tallaabadaasi ka hadashay Wasaaradda Amniga Soomaaliya.
Shir Jaraa’id oo Caawa ay siwadajir ah u qabteyn Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Soomaaliya Xasan Macalin Xuseen iyo taliyaha Ciidanka Booliska ayaa waxa ay ku beeniyay in Xarunta Goalaha Shacabka la geeyay Ciidamo gaar ah.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga ayaa ka hadlay waxa ay yihiin Ciidamada halkaasi la geeyay iyo ujeedada loo geeyay.
“Runtii Maanta 2:0 duhurnimo ayaan ku amray Taliyaha Ciidanka Booliska somaliya in Ciidamo suga Amniga oo Boolis ah lagu kordhiyo Xarunta Golaha shacabka wuuna aqbalay laakin majirto Ciidamo kale oo la geeyay,waxaana Ciidamadu sugi doonaan Amniga Xarunta iyo Xildhibaanada oo waa masuuliyad nasaaran ayuu yiri Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga”
Dhinaca kale taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa isna sheegay in Ciidamada sababta loo geeyay ay tahay xaqiijinaya Amniga so fowdo aysan u dhicin maadaama ay jirto xiisadsiyaasadeed.
Hadalka Wasaaradda Amniga ayaa ku soo aadaya xili Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu Caawa sheegay in Ciidamo uu diray Ra’iisul Wasaare Kheyre ay la wareegeen Xarunta Golaha Shcabka.