Waxaa Allaha u Naxariistee Isbitaalka Digfeer  ee Magaalada Muqdisho saakay ku geeriyooday Wariye Cabdullaahi Cismaan Macallin oo ahaa Wakiilkii Jubaland TV ee Baladweyne.
Wariyaahan ayaa ku dhaawacmay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee 10, Bishaan ka dhacay Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, islamarkaana dhaawiciisa uu ahaa mid culus kadib markii Maskaxda ay bir ka gashay.
Isbitaalka Digfeer ayaa maalmaahan lagu daweynayay iyada oo horay loo sheegay in dhaawiciisa aan dalka wax looga qaban Karin.