Wararka aan ka heleyno Magaalada Hargeysa ee deegaanada Maamulka Soomaaliland ayaa waxa ay sheegayan in Maanta Xabsiga lagas iidaayay wariye Cumar Seerbiya oo dhawan Ciidamada Soomaaliland ay Xabsiga dhgeen.
Wariyaha oo ka mid ahaa Shaqaalaha Warbaahinta goobjoog ee Muqdisho,ayaa Ciidamadu ay xireen xili uu ku sugnaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Hargeysa kadib markii uu ka tagay Magaalada Muqdisho.
Ilaa iyo hada Soomaaliland macadeyn waxa ay mudada labada Maalin ah ka badan Xabsiga ugu hayeen Wariye Cumar Seerbiya,in kastoo ay Maanta siidayeen.
Wararkeena soo socda ayaan idinkugu soo gudbin doonaa wixii faah faahin dheeraad ah