Maanta degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose waxaa lagu dilay mid ka mid ah Odayaasha halkaasi ku nool,waxana la sheegay in uu dilkiisa ka dambeeyay Askari ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Hadaba Yaasiin oo ka mid ah Caruurta uu dhalay Odayga la dilay oo lagu Magacaabi jiray Cabdullaahi Aadan ayaa sheegay in Aabihiis sibareer ah loo dilay isla markaana uu yaqaano Shaqsigii ka dambeeyay dilkiisa.
Yaasiin Cabdullaahi Aadan ayaa Wareysi uu siiyay Radio Dalsan waxa uu ku sheegay in Aabihiis uu ahaa Makaanig xiliga la dilayayna uu ku sugnaa Koontoroolka Mukayga ee degmada Afgooye.
“Runtii Aabaheey Nin milateri ah ayaa dilay kadib markii uu ka diiday in uu raaco mooto uu Aabo watay Askarigii Aabaheey oo ahaa makaanig iska shaqeysto dhowr xabadood ayuu ku dhuftay wuuna dhaqaaqay cid wax noo qabato oo Gacanta ku digto askarigii dilay Aabaheey waan waayay ayuu yiri Yaasiinâ€
Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay Maamulka gobolka Shabellaha Hoose iyo kan degmada Afgooye in arrintaan ay wax ka qabtaan isla markaana Askarigii dilay Aabihiis ay cadaalada hor keenaan.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Yaasiin oo dhameystiran.