Xildhibaan Daahir Amiin Jeezow oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya ayaa ka hadlay amnidarrada ku soo korortay waqtigaan deegaano badan oo ka mid ah gobolka Shabellaha Hoose oo ay weeraro ka geystaan Al-Shabaab.
Xildhibaanka oo Wareysi siiyay Radio Dalsan Xarunta Muqdisho ayaa sheegay in amnidarradaas ay sabab u tahay habacsanaan dhanka amniga ah ee ka jirta Gobolkaas iyo deegaanadiisa oo ah kuwo aad u weyn.
Waxa uu sheegay in Gobolka Shabeellaha Hoose uu yahay gobolka ugu badan oo ay ku sugan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab,sidaas daraadeedna hadii aan laga hortagin ay fulin karaan qaraxyo ay ku dilaan masuuliyiin sar sare.
Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay Maamulka Gobolka Shabeellah Hoose iyo Shacabkaba in ay iska kaashadaan sidii Al-Shabaab looga xureyn lahaa Gobolkaas ,isla markaana laga gudbo habacsanaanta dhanka amniga ah ee xiligaan ka jirta Gobolka Shabeellaha Hoose.
Hadalka Xildhibaan Daahir Amiin Jeezow ayaa ku soo aadaya xili todobadyadii la soo dhaafay ay falal amnidarro ka dhacayeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha hosoe,isla markaana shalay oo ugu dambeysay qarax lagu dilay masuuliyiin ka kala tirsanaa Maamulada Koonfur Galbeed iyo Hir-Shabeelle.
Hoos Ka Dhageyso Warbixin uu ka diyaariyay Wariyaheena Maxamed Cabdi Xan iidle.