Caawa Fiidkii ayaa waxaa Kooxo hubeysan ay weerar bambaanooyin ku bilaawday ku qaadeen Saldhiga Bartamaha Boosaaso oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Puntland.
Weerarka kadib ayaa waxaa halkaasi ka dhacay dagaal mudo saacad ku dhow socday,waxana la sheegayaa in dagaalka uu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira waxaana sidoo kale ku dhaawacmay taliye ku xigeenka Saldhiga Bartamaha oo Magaciisa lagu soo koobay Sanweyne.
Al-Shabaab ayaa Wararka ay ku qoreen Baraha Internet-ka waxa ay ku sheegteen masuuliyiinta weerarkaas,iyaga oo sheegay in mudo ay ka dagaalameen Saldhiga.
Wasiirka amniga Puntland Axmed Cabdullahi Yuusuf ayaa been abuur ku tilmaamay Warka ka soo baxaya Al-Shabaab isaga oo sheegay in xaalada hadda ay tahay mid degan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Amniga Puntland.