Maamulka gobolka Hiiraan aya u digay dad  ay sheegeen in mararka qaar ay musuq maasuqaan Daawooyinka loogu talo galay Shacabka ku nool Gobolkaas.
Gudoomiye ku xigeenka dhinaca Arrimaha Bulshada ee Maamulka gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cusmaan Cali oo la hadlay Dalsan ayaa sheegay in Gobolka Hiiraan musuq maasuqa uu aad ugu soo kordhay waayadaan isla markaana dano gaar ah loo isticmaalayo daawadii loogu talo galay dadka Shacabka ah.
Wax uu sheegay in ciddii lagu arko  iyada oo musuq maasuqeysa Daawadaas,uu Maamulku ka qaadi doono tallaabo sharic ah lagana aqbali doonin.
Waxa uu ugu baaqay masuuliyiin kale ee Gobolka hiiraan iy Bulshada inteeda kale ay la socdaan dadka sameynay ama musuq maasuqaya Daawooyinka loogu talo galay Bulshada gobolka Hiiraan.
Hadalka Gudoomiye ku xigeenka dhinaca Arrimaha Bulshada ee Maamulka gobolka Hiiraan ayaa ku soo aadaya xili cabasho ay ka imaaneysay Shacabka qaar ee Gobolkaasi Hiiraan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiye ku xigeenka dhinaca Arrimaha Bulshada ee Maamulka gobolka Hiiraan.