Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaiya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa lagu joojiyey Shamiindo sisharcidarro ah looga soo dejinayay Dekada Muqdisho.
Wareegtada oo ku taariikheysan Maanta oo ah 1 Bisha Maarso ayaa la ogeeysiiyay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Xeer Ilaaliyaha Qaranka, Taliyaha Hoggaanka ilaalada Canshuuraha.
Waxaa lagu sheegay Wareegtada in kadib cabasho ka timid Maamulaha Shirkada Barwaaqo taas oo ah in ganacsato aan ka tirsaneyn Shirkadaas ay la degayaan Shamiito Wadata Magacii iyo astaantii Shirkadooda ay kala degayaan Markab taagan dekadda kaas oo lagu Magacaabo M/V CAPTAIN.
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu mray joojinta dejiska Shamiindadaas,isla markaana ciddii wadato Sharciga la horkeeno.
Hoos Ka Akhriso Wareegtada oo dhameystiran.