Maxkamadda Gobalka Banaadir aya soo saartay Qoral lagu farayo Taliska Guud ee Boliska Gobalka Banaadir in la soo xiro, lana hor keeno Maxkamadda Gobalka Banaadir  Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, C/risq Cli Yuusuf Bahlawi iyo Agasimihii Waaxda Maaliydda ee Wasaaradaasi, Xasan Samantar Cali.
Warqaddan ayaa ahayd Amar ay Xeer-ilaalinta Qaranka kaga codsatay Maxkamadda Gobalka Banaadir inay soo saarto Warqadda soo-qabashadda ee ka dhanka ah C/risaaq Yuusuf Bahlaawi iyo Xasan Samatar Cali.
Wasiirka Warfaafinta ee XFS, Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan “Eng. Yariisow†waxa uu Bishan April 9-dii Shaqo-ka-fariisin ku soo rogay Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Warfaafinta C/risaaq Yuusuf Bahlaawi iyo Agaasimaha Waaxda Maaliyadda, Xasan Samantar Cali, kaddib markii lagu soo eedeeyey Maamul- xumo iyo Musuq- maasuq baahsan.
©Radio Dalsan