Wasiiru-dowlaha Caafimaadka ee Uganda, Sarah Opendi ayaa ka sal-gaartay Eedeymo sheegaya inay Shaqaalaha Caafimaadka ee Isbitaalka Doweladda ee Naguru General Hospital oo ku yaalla magaalladda Kampala, kuwaasi oo badankooda  laaluush weydiista dadka Bukaanka ee yimaada Isbitaalkaasi.
Sarah Opendi waxay maalintii Sabtida tegtay Isbitaalkaasi, iyadoo iska dhigtay qof Bukaan ah oo indho sharer xiran.
Waxay Isbitaalka ku tegtay iyadoo la socota Mootada labada taayar leh ee dalka Uganada looga yaqaano “Boda Bodaâ€Â waxay kormeer qarsoodi ah ku tegtay Isbitaalka Naguru General Hospital ee magaalladda Kampala.
Waxay la kulantay shaqaale weydiistay lacago laaluush ah, si ay ugu fududeeyaan Baaritaanadda Shaybaarka.
4 ka mid ah shaqaalaha Waaxda Shaybaarka ee Isbitaalkaasi ayaa weydiistaylacag dhan lacag dhan 150,000 ee Shillinka daolkaasi  oo ay tilmaameen inay tahay Kharajka Adeegga Hawl-fududeynta ee Shaybaarka..
Waxay si degdeg ah ugu yeertay Boliska, kuna amartay inay xiraan 4-tii shaqaale ee weydiistay lacagta , kuwaasi oo loo kaxeeyey Saldhigga Boliska.
Wasiiru-dowlaha Caafimaadka ee Uganda, Sarah Opendi oo la hadashay Saxaafadda ayey sheegtay inay soo ogaatay inay wax ka jiraan Cabashadda dadka Bukaanadda ee ku aadan in lacago laaluush laga qaato si loogu fuliyeo Adeegga Caafimaadka ee Isbitaalkaasi oo ka mid ah Isbitaallada lacag la’aanta ku daaweeya Bukaanada.
Dhinaca kale, Ku-xigeenka Agaasimaha Isbitaalka Naguru General Hospital ee magaalladda Kampala.Dr Stephen Kyebambe ayaa soo dhaweeyey Tallabadaasi, una mahad celiyey Wasiiru-dowlaha Caafimaadka.
Waxa uu tilmaamay in Laaluushku weji madow u yeelay Isbitaalladda Dowladda, iyadoo Bukaanadda dhibaato kala kulmaan shaqaalaha naxariista daran ee laaluushka ka qaada dadka xanuunsan.