Ugu yaraan 42 qof oo Somali ah ayaa lagu dilay Weerar lagu qaaday dooni ay ku safrayeen oo maraysay meel ka baxsan Xeebaha dalka Yemen.
Qof ka badbaaday Shilkaasi iyo Saraakiil u hadashay Kooxda Xuutiyiinta ayaa sheegay in Markab Dagaal iyo Diyaarad Helikoptar ka dambeeyeen Toogashadaasi oo Habeenkii Jimcaha soo galaysay ka dhacday Xeebaha Yemen.
Mukhalas Yemeni ah oo ka badbaaday weerarkaasi ayaa sheegay in Doonida la weeraray ay ka buuxeen Qaxooti Soomaali u badnaa carruur iyo haween, kuwaasi oo ka cararayey dagaalka Yemen, kuna sii jeeday Xeebaha dalka Sudan.
Mukhalaska oo lagu magacaabo Al-xasan Qaalib Maxamed waxa uu tilmaamay inay Doonida ka ambabaxday Deegaanka Ras Arra ee Xeebta Koonfureed ee Gobalka Xudeydah, isla markaana doonida la weeraray iyadoo 50-KM ka baxsan Xeebta ku dhow Gacan-biyooddka Bab Al-mandab
Mukhalasku waxa uu sheegay in Markab Dagaal iyo Helikoptar rasaas ku fureen dadkii la socday Doonida.
“Dadkii Qaxootiga waxay shideen Tooshash, si ay isugu muujiyaan inay Qaxooti yihiin†ayuu yiri, wuxuuna intaasi ku daray inaysan Helikoptarka joojinin rasaastaasi oo sababtay dhimasho iyo dhaawac.
Sarkaal sare oo u hadlay Hay’adda Muhaajiriinta Caalamiga ee IOM ayaa sheegay in 42 mayd laga helay doonida.
Maxamed Cabdi-kheyr oo ah Agaasimaha Gurmadka ee Hay’adda IOM ayaa Weriyayaasha ugu sheegay magaalladda Geneva inaan guud  la aqbali karin weerarkaasi oo dhacay abaarihii 03:00 saq-dhexe ee habeenkii Jimcaha soo galaysay.
Waxa uu intaasai ku daray inay ku-dhawaad 75 nin iyo 15 haweeen ka badbaadeen Weerarkaasi, loona gudbiyey Xarunta dadka lagu hayo ee Xudeydah.
Qaar ka mid Maydadka ayaa la dhigay Qaboojiyaha Suuqa Kalluunka ee Al-xudeyda, kadib, markii ay buux dhaafeen  Qaboojiyayaasha la geliyo maydadka.
Dhinaca kale, Afhayeenka Isbahaysiga Milliteri ee Sacuudiga hoggaamiyo, Jeneral Axmed Al-casiri ayaa beeniyey inay ka dambeeyeen weerarkaasi lagu dilay, laguna dhaawacay Qaxooti Soomaali ku safraysay Badda.
Afhayeenka oo la hadlay Wargeyska Asharqal-awsad waxa uu ku dooday inaysan Isbahaysiga ka hawlgelin Gobalka Xudeydah, xilliga la sheegay in la weeraray Qaxootigaasi.
“Ma jirto wax rasaas oo ay Isbahaysiga ku rideen Deegaankasi†ayuu yiri Afhayeenka oo intaasi ku daray in rasaas fudud lagu weeraray doonidaas.
©Radio Dalsan