Wasiirka Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada: Drs. Fawsiya Abiikar Nuur waxay jugdi xooggan ku bixisay sidii Wasaaradda Caafimaadka gacanteeda loogu soo celin lahaa Isbitaalladaasi oo ka mid ah Isbitaalladdii hoos tegi jirey Wasaaradda Caafimaadka ee Somalia.
Dr. Fawsiya Abiikar Nuur oo ka mid ah xubnaha ugu firfircoon Golaha Wasiiradda ee Ra’isul-wasaare Kheyre waxay sheegtay in la xoojin doono hawlaha caafimaad ee ay Isbitaalladaasi ugu adeegsayaan guud ahaan Bulshadda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka xanuunsan.
Wasiirada Caafimaadka waxay kaloo kaalin firfircoon ka qaadataa Isku-xirka Xukuumadda iyo Hay’adda Caalamiga ee adeegyadda Daawooyinka iyo Qalabka Caafimaadka ku taakuleeya guud ahaan Isbitaalladda ku yaalla dalka Somalia.
Drs. Fawsiya Abiikar Nuur waxaa kaloo lagu xusuustaa sida hagar la’aanta ee ay uga qeyb qaadatay Hawlaha Gurmadka ee dadka rayidka ee ku dhaawacmay qaraxyaddii ugu xumaa ee ka dhacay magaalladda Muqdisho ka dhacay.
Waxay ku guulesyatay in dad badan oo dhaawacmay lagu soo daaweeyo dalalka ay ka mid yihiin Turkiga iyo Sacuudiga.
Dhinaca kale, haddaynu eegno Taariikhda Isbitaalka Dhallaanka iyo Hooyooyinka ee Banaadir, waxaa dhistay Dowladda Shiinaha sannadkii 1977-kii , wuxuuna Isbilaalku bixiyaa Adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah, wuxuuna Isbitaalku lahaa 700 oo sariir oo loogu tala-galay Carruurta iyo Hooyooyinka.
Sidoo kale, Isbitaalka Martiini oo la dhisay Xilligii Gumeystaha waxaa uu soo maray heerar kala duwan, wuxuuna bixin jirey Adeegyo Caafimaad.
Isbitaalka waxa lagu daaweyn jirey Ciiddanka Xoogga Dalka Somalia ee ku soo dhaawacantay Dagaalkii 1977-kii ee dhex maray Ciiddanka Xoogga dalka Somalia iyo kuwa Ethiopia.