Burcad-baddeed Somali ah ayaa qafaalatay Markabkaasi oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, kaasi oo lagu magacaabo MV ARIS 13.
Saraakiil Somali iyo Khubaro ka tirsan Ururka Badweynadda ee ka gadaal Burcad-baddeeda ee “the organization Oceans Beyond Piracy ayaa xaqiijiyey Afduubkaasi oo noqonayo kii ugu horreeyey ee Markab weyn oo Ganacsi laga qafaasho Xeebaha Somalia tan iyo sannadkii 2012-kii.
John Steed oo ka tirsan Ururkaasi ayaa sheegay in Burcad wadatay 2-dooni ay shalay galab qafaasheen Markabkaasi oo uu ka dul-babanayey Calanka dalka Sri Lanka.
Waxa uu intaasi ku daray in Diyaaradaha helikoptarada ee Hawlgalka Caalamiga ee La-dagaalanka Burcad-baddeeda ay si dhow ula socdaan halka Markabka lagu haysto.
8 Shaqaale ayaa la socota Markabkaasi oo shidaal wada, kaasi oo ka yimid Djibouti, kuna soo wajahnaa Dekedda magaalladda Muqdisho.
Sarkaal u ah Maamul-gobaledka Puntland, ayaa sheegay inay Tobaneeyo reag hubeysan dhakada ka fuuleen Markabkaasi oo haatan taagan Xeebta Degmadda Caluula ee W/bari Somalia.
Mid ka mid ah Odayaasha Caluula oo lagu magacaabo Salaad Nuur ayaa Khadka Telefoonka ugu sheegay Wakaalladda Wararka AP inay Kalluumeysato ay ku jiraan Burcad-baddeed horte ka dambeeyeen afduubka Markabkaasi.
Waxa uu intaasi ku daray inay Kalluumeysatadaasi ilaa shalay baadi-goobayeen Markab Shisheeye oo ay qafaashaan, waxayna shalay gacanta ku dhigeen Markabkaasi.
“Kalluumeysatada shisheyaha ayey ka cabanayeen, kuwaasi oo had iyo jeer burburiya shabaagta Kalluumeysatada Deegaanka ee ay dhigtaan Badweynta†ayuu sii raacay Oday Salaad Nuur.
Dhinaca kale, Afhayeenad u hadashay Hawlgalka Ciiddanka Badda ee Midowga Europe ee ku sugan Xeebaha Somalia, Louise Tagg ayaa xaqiijisay Afduubkaasi, waxayna xustay inay socdaan Baaritaano.
Si kastaba ha ahaatee, Shirkadda leh Markabkaasi iyo Ganacsatadda Soomaalida ee uu u rarnaa Markabka Shidaalka u soo waday Dekedda Muqdisho ayaan weli ka hadlin arrintaasi.
©Radio Dalsan.