Hal maalin kadib, markii la doortay Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo waxa uu iska casilay Shaqadii uu ka hayey Xafiiska Buffalo ee Waaxda Gaadiidka ee New York.
Waxa uu Mushaarkiisa sannadkiiba ahaa 83,954 Dollar oo lagu daray Lacagta Qoyska oo buuxda.
Madaxweyne Farmaajo waxa Hawlgalka Shaqada Dowladda ugu harsanaa 7 sanno.
Sawirka Hoose waxa uu Madaxweyne Farmaaaajo la sawiran yahay shaqaalihii ay iskala shaqeyn jireen Xafiiska Buffalo ee Waaxda Gaadiidka ee New York (The Buffalo office of the New York Department of Transportation).
Si kastaba ha ahaatee, Lama oga Mushaarka uu Madaxweyne Farmaajo ku qaadan xilka Madaxweynaha DFS, inkastoo Miisaaniyadda ay ansixiyeen Xildhibaanadda BFS muujinayso inuu Mushaarka Madaxweynaha yahay 10,000 oo Dollar oo ay u dheer tahay Gunooyinka iyo Tas-hiilaadka Xafiiskiisa
©Radio Dalsan