Kadib markii uu u yeeray Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo madaxda ugu sareysa Maamulka Galmudug ee iskhilaafsan ayay xalay soo gaareen Gudaha Magaalada Muqdisho..
Maxamed Xaashi Cabdi Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo labadiisa ku xigeen ayaa Muqdisho waxaa  kaga soo horeeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf kaas oo ka qeybgeli doona Shir Maanta ka furmaya Muqdisho.
Dowladda Soomaaliya ayaa haatan bilaabeysa xal u helista xiisada ka taagan Galmudug iyo sidii ay heshiis u kala dhexdhigi laheyd Madaxda iskhilaafsan ee Galmudug.
Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa horay u sheegay in dowladda Soomaaliya ay faragelin ku heyso isla markaana ay dhaqaalo ku bixineyso Xildhibaano iyo Siyaasiyiin si looga eryo Galmudug.
Xiisada Galmudug ka taagan ayaa cirka isku sii shareertay kadib markii Xildhibaanada Galmudug oo laba u kala jabay ay xilalkii ka qaadeen Madaxweynaha Galmudug Madaxweyne ku xigeenka, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen.
Dowladda Soomaaliya ayaa haatan laga sugayaa xal ka gaarista khilaafka u dhaxeeya Madaxda Maamulka Galmudug.