Waxaa si rasmi ahaan loo xaqiijiyey inay Xulka K/cagta Argentine baajiyeen Kulan ay Xulka Yuhuudda kula yeelan lahaayeen magaalladda barakaysan ee Quddus-ta La-haysto.
Tallaabadan ayaa ka dambaysay, kadib, markii ay Taageerayaasha Reer Falastiin ka codsadeen Laacibka Lionel Messi inuusan ka qeyb gelin Tartankaasi.
Axaddii la soo dhaafay, Guddoomiyaha Xiriirka K/Cagta Falastiin, Jibriil Rajuub waxa uu ku booriyey Laacibka Messi ka ciyaarin Kulanka la qorsheeyey in lagu qabto magaalladda Quddus-ta La-haysto.
Waxa uu hadalkaasi ka jeediyey Dibadbax ka dhigay Xafiiska Wakiilka Dowladda Argentine u jooga magaalladda Ramala ee Daanta Galbeed ee Falastiin, wuxuuna ka dalbaday in la joojiyo ciyaartaasi.
Jibriil Rajuub waxa uu Taageerayaasha Falastiin ugu baaqay inay gubaan Funnaanadaha ku xardhan Sawirka iyo magaca Laacibka Lionel Messi, haddii uu ka qeyb qaato Kulankaasi.
“Mrssi waa Tusaalaha Nabadda iyo Jacaylka†ayuu yiri Guddoomiyaha Xiriirka K/Cagta Falastiin, Jibriil Rajuub oo intaasi ku daray inay Messi ka codsadeen inuusan qeyb ka noqonin dhaqida Dembiyada iyo Haysashadda dhulalka Falastiin.
Waxa kale oo uu sheegay inuu Lionel Messi tobanaan million oo Taageerayaal ku leeyahay dalalka Carabta iyo Muslimka…waxaan qof kasta ka codsanay inay gubaan Funaanadaha ay ka muuqdaan magacisia iyo Sawirkiisa, haddii u u Ciyaartaasi u safto.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Argentine, Jorge Faurie oo Suxufiyiinta kula hadlay magaalladda Washington ayaa sheegay inuu rumeysan yhaay inaysan Xulka K/Cagta Argentine doonaynin inay u safraan Yuhuudda, si ay u soo ciyaaraan.
“Sida aan ogahay, Ciyaartoyda Kooxda Qaranka ma doonayaan inay dheelaan Ciyaartaasi†ayuu yiri Wasiirka oo hadlay ka hor inta aan lagu dhawaaqin inay Ciyaartaasi baaqatay.
Tababaraha Xulka K/cagta Argentine, Jorge Sampaoli waxa uu isbuucii hore sheegay inuusan doonaynin inay Xulkiisa u safraan Yuhuudda, wuxuuna carrabka carrabka ku dhuftay inuu ka door bidayo inay si ijoogaan magaalladda Barecelona (Spain), o oay Ciyaartoyda tababar ku qaadanayaan, ka hor Ciyaaraha Koobka Adduunka oo bishan 14-da ka bilaaban doona dalka Raashiya.
Dhinaca kale, Safaaradda Yuhuudda ku leedahay dalka Argentina ayaa soo saartay Qoraal ay ku sheegayso in ciyaartaasi la joojiyey, kadib, markii Lionel Messi loo hanjabay.