Dalka Somalia oo kaalinta 3-aad kaga jira Tiro badnida Geelka Caalamka waxay haatan hiigsanayaa Suuqa cusub ee loo iib geynayo Wax-soo-saarka Geelka, iyadoo Lacag fara badan laga macaashayo Ganacsiga Xoolaha.
Geelka ku nool Somalia waxaa lagu qiyaasaa 7.2 million oo neef, waana qiyaastii 50% ka badan Dalka Labaad ee Caalamka loogu dhaqsho badan yahay Geelka ee Sudan, sida lagu sheegay Warbixin ka soo baxday hay’adda FAO.
Marka la eego dalalka Afrika waxaa Tiradda ugu badan Geelka ku kala badan yahay dalalka Somalia, Sudan, Kenya, Niger iyo Chad.
Waxaa la joojiyey Adeegyadda Xoolihii (Geela, Lo’da iyo Ariga) ee loo loo iib geyn jirey dalka Masar, iyadoo la filayo in sida ugu dhaqsaha badan loogu iib-geeyo dalka Malaysia.
Sannadkii hore, Ganacsiga Xoolaha ee Somalia waxaa ka soo xerootay lacag dhan 384 million oo Dollar, waana Kharajkii ugu badnaa ee soo xerooday 20-kii sanno ee la soo dhaafay.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha ee Somalia, Mohamed Omar ayaa sheegay in 5.5 million oo neef sannadkan loo iib geeyey dalalka Caalamka.
Rajdda waa mid sare, waxayna codsiyo ka yimaadeen dalal cusub iyo kuwa caadi ahaan loogu iib geeyo ee ay ka mid yihiin dalalka Sacuudiga, Kuwait, Imaaraadka Carabta iyo Oman.
Inta badan maraakiibta lagu qaado Xoolaha Nool ee Somalia waxay ku soo xirtaan Dekedaha magaallooyinka Muqdisho, Bosaaso iyo Berbera.
Hay’adda Cuntada iyo Beeraha (FAO) waxay taageero Dhaqaale oo ka yimaada Midowga Europe iyo dalka Britain ku maalgelisaa Adeegyadda Xoolaha, Barnaamijka Talaalka iyo Wax-soo-saarkooda.
Si kastaba ha ahaatee, Geelka Somalia ayaa u muuqda inuu helayo Suuq ballaaran, isla markaana uu meesha ka saarayo dalka Australia oo dhoofisa Xoolaha ugu badan ee Caalamka.
Australia ayaa waxaa soo wajahday Naqdin la xiriirta walaaca laga qabo qaabka loo daaweeyo Xoolaha la dhoofinayo.
©Radio Dalsan