Maamulka Duullimaadka Diyaaradaha Maraykanka (US Federal Aviation Administration (FAA) ayaa gadaal ka riixayso sidii Ururka Caalamiga ee Duullimaadyadda Rayidka “The International Civil Aviation Organisation (ICAO) ugu dhawaaqi lahaayeen inaysan ammaan ahayn Hawada Sare ee Kenya, loona aqoonsado inaysan ammaan u ahayn inay Diyaaradaha ku degaan  Garoomadda Kenya ama dul maraan Hawadda dalkaasi.
Maraykanka ayaa doonaya in Hawada Kenya lala barbar dhigo Hawada Sare ee dalalka loo aqoonsan yahay inaysan ammaan ahayn, kuwaasi oo kala ah Somalia, Afganistan, Masar, Iraq, Libya, Pakistan, Saudi Arabia, South Sudan, Sudan, Syria, Ukraine iyo Yemen.
Dalalkaasi waxaa looga digay Diyaaradaha Calaamiga inaysan ku degi karin ama aysan dul-mari Karin Hawada dalalkaasi.
Wargeyska The Standard ee ka soo baxa Nairobi ayaa qoray inaysan caddayn sababaha ay Dowladda Maraykanka u qaadayaan Tallabadaasi iyadoo aan Dowladda Kenya ku soo wargelinin ama u sheegin xitaa sababta Hawada Kenya loogu aqoonsanayo meel Khatar u ah Diyaaradaha.
Tallaabadda Maraykanka ee lagu go’doominayo Hawada Sare ee Kenya waxay kaloo khatar gelin karaan qorshaha lagu bilaabi lahaa Diyaaradaha Tooska uga baxa Kenya ka baxa ee ku tegi lahaayeen Maraykanka.
Ma cadda inay Maraykanka heleen Warar dhinaca Sirdoonka oo ku aadan weerar  ay suurtogal tahay inay Alshabaab ka geystaan gudaha Kenya iyo inay jiraan sababo kale.
Dhinaca kale, Wasiirka Gaadiidka ee dalka Kenya, Michael Macharia ayaa hoos-u-dhigay Cabsida laga qabo in Diyaaradaha Caalamka go’doon ka noqdaan Hawada Sare ee Kenya.
Ku-dhawaad 40 Diyaaradood ayaa ka hawlgala Garoonka Diyaaradaha Calaamiga ee Jomo Kenyatta ee magaalladda Nairobi, iyadoo ay Kenya xuddun u tahay inay u samayso Isku-xirka Khadadka Diyaaradaha ee dhamaan Magaallooyinka waa weyn ee Caalamka.
Sidoo kale, ku-dhawaad 10,000 oo qof oo Rakaab ah ayaa maalin kasta isticmaala duullimaadyada ka baxa, kuwa Taransitka ku  ama ku soo dega Garoonkaasi, taasi oo muujinaysa muhiimadda Garoonkaasi leeyahay.
Xigasho: The Standard
©Radio Dalsan
Â