Maanta oo ah taariikhdu ku began tahay 19-ka Octoobe uuna furmayo kulankii 1-aad ee Kal-fadhiga 6-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka ayaa waxaa Wariyeyaasha ka socda warbaahinta madaxbanaan loo diiday ka qeyb galka Kulamada Golaha.
Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa wariyaasha ka socda warbaahinta madaxbanaan ee dalka u sheegay in aan looga baahneen tabinta fadhiyada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Sidoo kale Guddoomiye Muudey ayaa Warbaahinta si Cad ugu sheegay in Xarunta Cusub ee Villa Hargeysa uu ku shaqeyn doono Golaha Shacabka aan meel looga sameeyn Saxafiyiinta ka socota warbaahinta madaxbanaan,isla markaana aysan ka qeyb geli doono Fadhiyada Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Maanta Xaruntooda Cusub waxaa ay ku yeelanayaa kulankii 1-aad ee Kal-fadhiga 6-aad ee Golaha,kadib markii uu soo dhammaaday fasixii labada bil ay ku maqnaayeen.
Ajendaha kulanka ayaa ah Hadal Jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Akhrinta 1aad ee Heshiiska Ilaalinta Hiddo Dhaqameedka Aan muuqan iyo Heshiiska Khuseeye Ilaalinta Hidda Dhaqameedka & Midka Dabiiciga.