Dhisitaanka soomaaliya iyo doorashada madaxweynaha cusub waxaa ay aheyd mid nabadeed waxayna Ku qabsoontay waqtigii loogu talagalay laakin Al-shabaab wali waxaa ay si qarsoodi ah Kaga suganyihiin hareeraha caasimada muqdisho, iyadoo ciiddamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika Amisom ay xarumo ciidan ku leeyihiin Muqdisho.
Alshabaab waxay dhawaanahan weeraro ku qaadeen ciiddamada Kenya ee ku sugnaa deeganka Kulbiyoow iyagoo kudilay tiro lixdameeyo katirsan ciiddamada Kenya ee qeybta ka ah Nabad ilaalinta Amisom, sidookale Ceel Cadde sanad kahor ayey weerar ku kuqaadeen, halka ciidamada Uganda ay waxyeelo fara badan u Geysteen.
Rabitaanka dariska Soomaaliya wuxuu ahaa ceyrinta Al-shabaab iyo sidii markale Soomaaliya cagaheeda ugu is taagi lahyed, kadib markii xilka laga tuuray dowladii Siyaad Barre 1990-kii ay noqotay mid adag in Soomaaliya kaligeed is Samatabixiso.
Maalinnimadii Arbacada ee isbuucan madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajo ayaa waxaa loo doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya isagoo badalay madaxweyniihi hore Xassan Sheikh Maxamuud markii uu farmaajo ku guuleestay xafiiska wuxuu ku dhawaaqay”Guusha waxaa is kaleh shacabka Soomaaliya “xaqiiqdii waa sidii larabay inay Noqoto.
Farmaajo waxaa uu rajo siiyay ummadda Soomaaliyeed oo ay kala qeeybiyeen dagaalo mudo sodon sano ah taasi ayaa kadhigeysa shaqada ugu adag uu qabto madaxweyne koon kaan Ku Nool .
Soomaaliya  waxaa ay Ku jirtaa wadamada dowlad ahaan guuldareystay kasoo saaritaanka godka ay Soomaaliya ku jirto qudheeda ma ahan mid sahlan Mr farmaajo waa inuu qabtaa shaqo wanaagsan Laakiin calaamadaha waa weeyn ayaa ah in biloow fiican ay tahay in farmaajo la doorto.