Qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hago meelaha fog-fog oo ay ku dhinteen Nabaddoono caan ahaa ayaa xalay ka dhacay meel u dhow deegaanka Buq-aqable ee Gobolka Hiiraan, waxaana kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.
Qaraxa ayaa lala beegsaday gaari ay saarnaayeen Nabaddoonada , kuwaasi oo kusii jeeday deegaanka Buq-aqable, waxaana ku dhintay afar ruux oo saarnaa gaariga la qarxiyey, xilli uu marayay duleedka deegaankaasi.
Inta la xaqiijiyay saddex Nabaddoon iyo wiil uu dhalay mid kamid ah Nabaddoonadaas ayaa ku dhintay qaraxa lala beegsaday gaariga saarnaayeen, qaar kamid ah Ehelada dadkaasi ayaa gaaray goobta kana qaaday Meydadka oo Maanta la aasayo.
Nabaddoonada qaraxa ku dhintay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Nabadoon Yuusuf Fiidow Faarax, Wiilkiisa Ibraahim Yuusuf Fiidow, Nabadoon Mukhtaar Xaaji iyop Nabadoon Xasan Xuseen Lugayare, kuwaasi oo kusii jeeday deegaanka Buq-aqable.
Si kastaba Qaraxyo khasaaro dhaliyey ayaa dhawaan ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan oo lala eegtay gaadiid ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka iyo kuwa Hirshabeelle, Al-shabaab ayaana sheegatay mas’uuliyadooda.