Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo duhurnimadii Maanta ka dhacay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana qaraxa ka dhashay khasaaro dhaawacyo ah soo gaaray dad shacab ah oo ku sugnaa goobta.
Qaraxa oo ahaa mid gaari nooca Soomaalida u taqaano NOHA oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ah ayaa waxaa uu ku qarxay 7-da geed ee Jowhar, aadna ugu dhow Hotelka Nuur Doob oo uu dhawaan ka dhacay qarax Is-miidaamiin ah.
Inta la xaqiijiyay 4 ruux oo shacab ah ayaa ku dhaawacamay qaraxa oo ahaa mid jugtiisa badi laga wada maqlay Magaalada Jowhar, waxaana dadka dhaawacmay durbadii la geeyay Isbitaalka Magaalada oo haatan xaaladdooda Caafimaad lagu dabiibayaa.
Ciidamada Booliska oo tegey goobta inta aanu gaariga qarxin ayaa waxaa ay Booliska jebiyeen gaariga oo saakay lasoo dhigay aaga 7da geed ee  Jowhar, balse waxa uu qarxay gaariga xilli ay ciidamadu doonayeen inay baaritaan guud ku sameeyaan.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka Maamulka Hirshabeelle oo ay uga hadlayaan qaraxaas Maanta ka dhacay Magaalada Jowhar, ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe, dhawaan ayey markii qarax Is-miidaamin ah lala beegsaday Hotelka Nuur Doob, iyadoona qaraxaas uu dhaliyey khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh…