Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska ayaa lagu wadaa in uu maanta gelinka dambe ku dhawaaqo qorshihiisa iscasilaadda, inkastoo uu xilka Ra’iisul Wasaaraha sii heyn doono ilaa deyrta sanadkan. Wuxuu sidoo klae iska casilayaa xilka hoggaamiyaha xisbiga Konserfatifka.
Afhayeen u hadlay Aqalka Lambar 10 ee looga arrimiyo Ingiriiska ayaa yiri: “Raysul Wasaaruhu wuxuu maanta dalka siin doonaa warbixin.”
Johnson ayaa wuxuu la hadlay Sir Graham Brady, oo ahaa guddoomiyaha guddiga Konserfatifka 1922, si uu ugu sheego go’aankiisa, sida ay shegeen ilo ku dhow dhow xafiiskiisa.
” Ra’iisul wasaaraha ayaa la hadlay Graham Brady, waxaana ay isku raaceen inuu xilka banneeyo, ayna tahay markii hoggaamiye cusub uu imaan lahaa,” ayay ilo-wareedka ku daraysaa.
Tan iyo waaberigii maanta waxaa sii kordhay cadaadiska lagu saarayo inuu Johnson banneeyo xafiiska raysul wasaaraha. Waxaa 24 saac gudahood isugu xigxigsaday tiro is-casilaad ah.
Xoghayihii Waqooyiga Ireland Brandon Lewis ayaa noqday wasiirkii ugu horreeyay ee subaxnimadii iscasila, isagoo sheegay in arrimuhu ay dhaafeen heer wax laga qaban karo.
Xoghayaha cusub ee waxbarashada Michelle Donelan ayaa sidoo kale iscasishay. Waxay sheegtay inay “ka codsatay” Ra’iisul Wasaaraha inuu iscasilo.