Warar kala duwan ayaa waxay ka soo baxayaan Dagaalladda weli ka socda magaalladda kala qeybsan ee Gaalkacayo.
Ilo dhinaca Galmudug ayaa sheegay inay dib u riixeen Ciiddanka Puntland, isla markaana ay isku ballaariyeen Xaafaddo ku yaalla Waqooyiga magaalladaasi.
Afhayeen u hadlay Galmudug ayaa sheegay inay Ciiddankooda ku sugan yihiin agagaarka Isbitaalka Guud ee Gaalkacayo, balse ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinayo arrintaasi.
Dadka ku nool magaalladda Gaalkacayo ayaa sheegayo inay weli maqlayaan Is-rasaasaynta labada dhinac, iyadoo ay labada dhinac weli ku hardamayaan gacan-ku-haynta Nawaaxiga Suuqa Darxumo, oo ah halkii uu saakayto ka qarxay dagaalka.
Goobjoogayaal la hadlay Radio Dalsan ayaa sheegay inuu jiro khasaare soo kala gaaray dhinacyadda dagaalamayo iyo dadka rayidka, isla markaana ay arkeen gaadiid Tekniko oo la gubay.
Dagaalka maanta ka socda Gaalkacayo ayaa lagu tilmaamay kii ugu cuslaa tan iyo wixii ka dambeeyey Heshiiskii Nabadda ee ay Hoggaamiyayaashii geeriyooday, Jeneral Caydiid iyo Kolonel C/llaahi Yuusuf Axmed kala saxiixdeen sannadkii 1993-kii.
© Radio Dalsan  Â