Inta la ogyahay Sadax qof oo labo ka mid ah ay yihiin askar qof Dumara ah ayaa Ku dhaawacmay Israsaaseyn caawa Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug Ku dhex martay Ciidamo ka tirsan Dowladda iyo Kuwo taabacsan Madaxda Ahlu-sunna oo Ku sugnaa Xartunta inji oo hooy u ah hoggaanka Ahlu-sunna Waljamaaca.
Rasaasta ayaa ka bilaabatey sida wararku ay sheegayaan iskudhaca ciidamo Laamiga marayay iyo ilaalada xarunta taasi oo markii dambena sababtey in laamiga u xirmo , Raysulwasaare kheyre ayaa halkii falku ka dhacey u diray xubno saraakiil ah oo haatan qiimeynaya Sababta iskudhaca keentay iyo cidda leh masuuliyadda.
Xaaladda goobta ay wax Ka dhaceen ayaa degan in kasta oo ay dadku aad u hadal hayaan Israsaaseyntii caawa Ka dhacday magaalada Dhuusa-mareen.
Arrintaan ayaa ku soo beegantay iyada oo Reysul-Wasaaraha xukuumadda fedraalka Soomaaliya uu caawa ku hoyana magaalada Dhuusa-mareeb kadib markii caawa fiidkii uu gaaray halkaasi.