Golaha Wasiirada dalka Ethiopia ayaa lix bil oo xaalad deg deg ah ku soo rogay gobalka tigreega ee waqooyiga Wadankaas. Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xaaladda gobalka ay la socon donaan oo ay maamuli doonaan koox uu hogaaminayo taliyaha ciidanka wadanka.
Arintan ayaa timid kadib markii xalay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed Cali uu amray ciidanka talaabo malatari oo ka dhan ah TPLF ciidanka tigreega.
Abiy Ahmed wuxuu sheegay in TPLF ay weerareen saldhigyada ciidanka federaalka ee gobalka tigreega ayna isku dayeen in ay boobaan hubka culus ee ciidanka.
Waxaa hawada ka maqan qadka internetka iyo taleefanada gobalka tigreega gaar ahaan magaalada xarunta ah ee Mekelle. Abiy wuxuu sheegay in xumumada uu dulqaadkii ka dhamaaday kadib markii tigreegu soo gudbeen qadkii casaa.
Tan iyo markii uu xafiiska yimi Abiy Ahmed sanadkii 2018 xiriirka tigreega iyo dowlada federaalka ma ahayn mid wanaagsan.
Xaalada ayaa xumaatay kadib markii Tigreegu ay qabsadeen doorasho u gaar ah taas oo golaha federaalka ee aqalka sare iyo xukumada federaalka ay sharci daro ku timmaameen.