Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax xoogan oo Maanta ka dhacay agagaarka Isgoyska Tarabuunka ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, kaasi oo lala eegtay Kolonyo galbinaysay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage.
Qaraxaas oo ahaa mid loo adeegsaday gaari nooca Soomaalida u taqaano Saaruf oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa, waxaana Darawalkii waday uu doonayay inuu soo dhexgalo kolanyada Ilaalada u aheyd taliyaha Ciidamada, hayeeshee rasaas ayaa lagu furay gaariga, sidaasina uu ku qarxay.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa waxaa uu sheegay in bartilmaameedka qaraxaas uu isagu ahaa, hayeeshee uu ka badbaaday.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaas, waxaana waraar la helayo ay sheegayaan inuu ku dhintay hal qof, halka in ka badan 10 qof kalena dhaawac uu soo gaaray, kuwaasi oo xiliga uu qaraxu dhacayay goobta ka Agdhawaa.
Ciidamo ka tirsan ka dowladda oo isugu jira Milateri iyo Boolis ayaa xiray aaga uu qaraxu ka dhacay, isla markaana waxaa halkaas laga daabulay sida sheegay dadkii waxyeelada soo gaartay oo la geeyay Xarumo Caafimaad.
Sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxu ka dhacay laguna faafiyay baraha Bulshada ayaa waxaa lagu arkayay gaarigii qaraxa waday oo gebi ahaan burbur xoogan uu soo gaaray, sidoo kalena ay burbureen goobo Ganacsi oo halkaas ku yaalla.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Laamaha amniga dowladda Federaalka oo ay uga hadlayaan qaraxaas uu ka badbaaday Taliye Odawaa Yuusuf Raage, waxaana xiliga lala eeganaayay qaraxaas uu ka baxay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga dowladda.