Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo duleedka Magaalada Muqdisho lagula eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad.
Qaraxaas oo ahaa Miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa Ciidanka Booliska Haramcad lagula eegtay xili ay socdaal ku marayeen inta u dhexeeysa Ceelasha Biyaha iyo Siinka-dheer ee duleedka Muqdisho.
Sidoo kale waxaa la sheegay in qaraxaas uu burbur u geystay mid kamid ah gaadiidkii ay wateen,waxaana halkaas ku geeriyooday Askar dhowr ah,halka kuwo kalena ay ku dhaawacmeen,waxaana la geeyay mid kamid ah Xarumaha Caafimaad ee dowladda.
Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ay kusii jeedeen howlgal,isla markaana ay ka baxeen Muqdisho,hayeeshee uu qarax ku haleelay inta u dhexeeysa Ceelasha Biyaha iyo Siinka-dheer ee duleedka Muqdisho.
Wadada u dhexeeya Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa dhowr qaraxyo miino ah lagula eegtay Ciidamo ka tirsam dowladda iyo Kuwa AMISOM,iyadoona ay xusid midan tahay in dhawaan qarax halkaas ka dhacay lagu dilay Ciidamo ka tirsan DANAB.