Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxa Khasaaro geystay oo saakay ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Qaraxaas oo ahaa miino nuuca dhulka lagu aaso ah,waxaana lala eegtay gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya xili ay marayeen agagaarka Xaafadda Taleex ee Degmada Hodan,waxaana jugta qaraxaas laga maqlay qeybo kamid ah Magaalada.
Ugu yaraan saddex Askari oo la socday gaariga uu qaraxa haleelay ayaa halkaas ku geeriyooday,isla markaana waxaa ku dhaawacmay laba ruux oo la sheegay inay ahaayeen shacab ah oo xiligaas goobta marayay.
Qarax kadib ayaa goobta waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo qaaday Meydadka Askartii qaraxa ku dhimatay iyo sidoo kale dadkii shacabka ahaa ee waxyeelada soo gaartay.
Weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga dowladda Soomaaliya oo ay uga hadlayaan qaraxii saakay ka dhacay Muqdisho ee sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.