Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo maalmahaan ku sugnaa degmada Buulo-burde e gobolka Hiiraan ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa uu kulamo xasaasi ah la qaatay qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee degmada isaga oo kala hadlayay khilaaf maalmihii dambe ka taagnaa halkaas oo la xiriira dhinaca mamulka.
Kulanka ugu xasaasisana ayuu madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare waxa uu la qaatay Odayaasha isaga oo kala hadlay dhamaynta khilaafka iyo in maamul lawada ogolyahay loo sameeyo degmada Buulo-burde iyo golayaasha deegaanka taas oo la isku mari waayay.
Warar la helayo ayaa tilmaamaya in kulamadii Madaxweyne Waar uu la qaatay duqoowda dhaqanka uu ku soo dhamaaday natiijo la’aan kadib markii ay ka biya diideen sida la sheegay maamulkii dhawaan loo magacaabay degmada iyaga oo ku adkaystay in la bedelo.