Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay Qarax xoogan oo saakay ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho, kaasi oo ahaa miino nooc dhulka lagu aaso ah, Jugtiisana laga maqlay xaafaddo dhowr ah oo ku yaalla halkaas.
Qaraxaas ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay inta u dhexeeyso deegaanada Lafoole iyo Xaawo Cabdi ee duleedka Muqdisho, iyadoona uu haleelay Gaari nooca dadweynaha ay raacaan ee loo yaqaano Hoomey-da.
Dad goobjoogayaal ah oo ku sugnaa halkaas oo la hadlay Idaaacada Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen in qaraxa uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dadkii saarnaa gaarigaas.
Warar la helayo ayaa sheegaya in qaraxan ay ku dhinteen 10 qof, halka in ka badan 13 qof kalena uu dhaawac soo gaaray, isla markaana waxaa la geeyay Xarumo Caafimaad oo ku yaalla Muqdisho, si xaaladooda Caafimaad loogu dabiibo.
Wadada u dhexeeysa Muqdisho iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay qaraxyo miino nooca dhulka lagu aaso ah oo lala eegtay gaadiid ay la socdeen Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka iyo gaadiid kale oo saarnaayeen dad shacab ah, waxaana qaraxyadaas ka dhashay Khasaarooyin kala duwan.