Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Iska horimaad Ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya ku dhexmaray Magaalada Muqdisho.
Iska horimaadka ayaa waxa uu ka dhacay isgoyska Maana-Booliyo ee Muqdiaho,isla markaana waxa uu u dhexeeyay Ciidamo Milateri iyo kuwo Boolis ah oo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya,iyagoo isku adeegsaday hub culus oo laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir.
Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Dalsan ayaa u sheegan in marka hore uu dagaalku ku bilowday,kadib markii Ciidamo Milateri ah oo watay gaadiidka nooca dagaalka kana yimid dhinaca degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ay isku dayeen inay maraan halkaas,waxaana ka diiday Ciidamo Boolis ah oo xiligaas ku sugaa isgoyska Maana-Booliyo,sidaasina uu ku bilowday dagaalka.
Sidoo kale iska horimaadka ayaa waxaa lagu gubay gaari nooca dagaalka ah oo loo maleynayo inay leeyihiin Ciidanka Milateriga,waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ugu yaraan hal ruux haweeney oo shacab ah ayaa ku geeriyootay iska horimaadka,waxaana ku dhaawacmay tirro intaas ka badan oo la geeyay goobaha Caafimaadka ee ku yaalla Muqdisho.
Ilaa iyo hada majiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda oo ay uga hadlayaan iska horimaadkii galabta ka dhacay isgoyska Maana-Booliyo ee Muqdisho