Ciidanka  kumaandoosta ee ka  howlgasha deegaanada maamulka Jubbaland, oo kaashanaya ciidamadda  Maraykanka ee qaaradda Africa ee AFRICOM ayaa saacadihII u dambeeyay duqeeyay Fariisimo ay Alshabaab ku lahaayeen, deegaanka Caanoole,oo hoostaga dgmada Badhaadhe ee gobalka Jubbada hoose .
Dhinaca kale duqeyn tan la mid ah ayaa ciidanku ka fuliyeen  xero ku taala degmada Jamaame ee gobalka Jubbada Dhexe  oo  ay ku tababarayeen dagaalamayaal Shabaab  ah ayaa la sheegay in uu khasaaro Ka dhashay kadib markii duqeyntu ay haleeshay xerada ay ku tababaranayeen.
Waxaa sidoo kale ay Ciidanku duqeeyeen saldhiga Alshabab ku lahaayeem  degmada  Jilib oo ka tirsan isla gobalka Jubbada Dhexe oo ay ku sugnaayeen saraakiil sare oo ka tirsan Al-shabaab,waxaana lagu bur buriyay saldhigii ay halkaas ku lahaayeen.
Gaashaanle dhexe Xasan Maxamed Ciraaqi oo ah Taliyaha Ciidanka kumaandoosta Soomaaliya qeybta Jubbaland oo la hadlaya Warbaahinta Qaranka ,ayaa u xaqiiyay in goobaha ay duqeymuhu ka dhaceen lagu gaarsiyay Khasaaro xooggan horjoogayaashii ku sugnaa halkaasi wakhtiga duqeyntu dhaceysay.
Ciidanka Xoogga ayaa laba jibaaray howlgala dalka looga saarayo Al-shabaab,si looga soo afjaro dhamman deeganada ay ku suganyihiin.