Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya rag hubesyan oo Caawa gudaha degmada Boondheere ee Gobolka Banadir ku dilay Haweeyney Ergo aheyd.
Waxaa la sheegay in Haweeyneyda la dilay ay kamid ah aheyd Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya,isla markaana rag ku hubeysnaa Bastoolado ay toogteen.
Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacadda Dalsan ee Muqdisho ayaa waxa ay u sheegeen in falkan uu ka dhacay Nawaaxiga gurideed oo ku yaalla Boondheere .
Warar aan heleyno ayaa sheegaya in Marxuumada la dilay lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Baxsan Boolaay,iyadoona ragii ka dambeeyay falkaasi ay goobta ka baxsadeen.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa sida caadada aheyd tegay halkaasi,isla markaana sameeyay baaritaano aan wax natiijo ah ka soo bixin.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa mudooyinkaan dambe ku soo batay dilalka qorsheysan oo ay geysanayaan ragga ku hubeysan Bastooladaha,waxaana Mas’uuliyooda sheegta Al-shabaab.