Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo habeenkii xalay aheyd gudaha degmada Jalalaqsi ah ku dilay Guddoomiyihii Isboortiga degmadaas, isagoo u dhintay rasaas dhowr ah oo lagu dhuftay.
Dilka ayaa ka dhacay xaafad ka tirsan Jalalaqsi ee Gobolka hiiraan, waxaana Guddoomiyaha Isboortiga toogtay rag dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado, iyagoona falkaas kadib goobta si dhaqsi ah uga baxsaday.
Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Xuseen Maxamed oo ahaa Guddoomiyaha dhinaca Isboortiga ee degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, isla markaana uu muddooyinkii dambe u howlanaa horumarinta Ciyaaraha degmadaas.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulkii degmada ee uu ka tirsnaa, hayeeshee warar la helayo ayaa sheegaya in Ciidanka dowladda Federaalka ay sameeyeen howlgal aan wax natiijo ah kasoo bixin oo lagu raadinayay ragii hubeysnaa.
Al-shabaab ayaa horey degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle uga geystay dilal qorsheysan iyo weeraro lagu qaaday xubno ka tirsan maamulka degmada iyo Saldhigyo Ciidanka dowladda Federaalka ay ku leeyihiin halkaas.