Musharraxiinta ku tartameysa doorashadi madaxtinimo ee shalay ka dhacday Mareykanka ayaanan wali ku kala bixin doorashada, kaddib markii ay soo bixi weysay natiijada gobollo muhiim ah oo ay ka mid yihiin Pennsylvania, Michigan, Georgia, North Carolina, Wisconsin iyo Arizona, oo weli tirinta codadka ay ka socoto.
Madaxweyne Trump oo ka socda Xisbiga Jamhuuriga iyo Joe Biden, madaxweyne ku-xigeenki hore oo ka tartamaya Xisbiga Dimoqraadiga, ayaa labaduba xalay saqdi dhexe kadib la hadlay taageerayaashooda.
Joe Biden xalay saqdi dhexe kaddib ayuu khudbad kooban ka jeediyay magaalada laga soo doorto ee Wilmington ee gobolka Delaware, wuxuuna u sheegay in doorashada ay ku guuleysan doonaan, isaga oo yiri niyadda dagsada, innaga ayaa ku guuleysa doonna.
Wuxuu kale oo sheegay in aysan doorashada dhamaan doonin ilaa cod walba laga tirinayo. Madaxweyne Donald Trump ayaa isna khudbad ka jeediyay Aqalka Cad ku sheegtay inuu guul ka gaaray doorashada, inkasta oo weli tirinta codadka aysan dhammaan, natiijada rasmiga ahna aan la shaacin.
Madaxweyne Trump ayaa isaga oo aanan faah-faahin biixn sheegay in ay dhacday “wax isdaba marin,†sidaasi daraadeedna uu qorsheynayo inuu Maxkamadda Sare la aado natiijada doorashada.
Trump wuxuu sheegay inuu guulo waa weyn kasoo hooyey gobollada Florida, Texas iyo Ohio, sidoo kalana uu codad badan Biden kaga hogaaminayo gobollada hadda aanan wali lagu dhawaaqin natiijadooda.
Si kastaba, waxaa suurta-gal in natiijada kama dambeysta ah aan la ogaan maalmo haddii aad la isugu dhow yahay, sababo la xiriira codad lagu soo diray boostada, oo iman doona maalmaha soo socda, kuwaas oo la tirin doono.