Faah faahino ayaa laga helayaa dagaal u dhexeeyay Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo barqanimadii Maanta ka dhacay bartamaha Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo.
Dagaalkaas ayaa waxaa uu dhexmaray Ciidanka Gor-gor iyo kuwa Booliska oo ilaalo ka haaya Saldhiga Booliska Degmada Balad-xaawo, waxaana Ciidankaas dagaalamay ay ahaayeen kuwii dowladda Federaalka ay geeysay Balad-xaawo.
Dad la hadlay Idaacadda Dalsan ee Muqdisho ayaa u sheegay in dagaalkaas uu ka dhashay muran la xiriira banaanbax la qorsheeyay inuu ka dhaco gudaha Balad-xaawo, hayeeshjee qaar kamid ah Ciidanka ay kasoo horjeysteen, sidaasina uu ay rasaas ku bilaabatay.
Ugu yaraan afar qof ayaa ku geeriyooday dagaalka, halka saddex Askari oo ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka dhaawacyo ay kasoo gaareen, kuwaasi oo la geeyay Xarun Caafimaad.
Xaaladda Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo ayaa si caadi ah kusoo laabatay, iyadoona dib loo furay goobaha Ganacsiga oo la xiray, kadib markii uu dagaalka bilowday, hayeeshee haatan xaaladda ay tahay mid degan.