Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo u dhexeeya Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa Maamulka Galmudug iyo Ciidanka Ahlusunna Waljamaaca oo weli ka socda gudaha Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.
Dagaalkan oo bilowday waaberigii hore ee saakay ayaa ah mid xoogan, wuxuuna sigaar ah haatan uga socdaa inta badan xaafaddaha Waqooyi ee Guriceel, iyadoona la maqlayo dhawaqa hub Culus oo dhinacyada isku adeegsanayaan dagaalkaas.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ciidanka Galmudug iyo kuwa dowladda ay la wareegeen gacanta ku heynta Saldhiga Guriceel, kadib markii halkaas ay isaga baxeen Ciidankii Ahlusunna ee joogay, isla markaana dib ugu laabtay qeybo kale oo ay ka joogaan Magaalada.
Dad ku sugan Guriceel ayaa waxaa ay ku warramayaan in rasaasta laga maqlayo dhinaca waqooyi ee Guriceel, waxaana dagaalka socda ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.
Illa iyo hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaas u dhexeeya Ciidamada dowladda Federaalka, kuwa Maamulka Galmudug iyo Ciidanka Ahlusuuna Waljamaaca, kuwaasi oo maalmihii lasoo dhaafay is hor-fadhiyey.