Ugu yaraan 30-qof ayaa ku geeriyootay shil gaari oo waaberigii hore ee saakay ka dhacay Gobalka Amxaarada ee dalka Ethiopia.
Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegtay inay isku dhaceen Bas dad rakaab waday iyo Gaari Xamuul, iyadoo shilkaasi lagu tilmaamay kii ugu xumaa ee ka dhaca Gobalkaasi.
Shilkaasi ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay goobta loo yaqaano Buhaj ee hoos-tagta Deegaanka Hulet Eju Enese Woreda ee Bariga Gojam ee Gobalka Amxaarada.
Wararku waxay sheegayaan inay isku dhaceen Bas ka yimid Gondar, kuna sii jeeday Addis Abeba iyo Gaari Xamuul oo ka yimid dhinaca Seedka uu Basku marayey.
Xafiiska Isgaarsiinta ee Degmadda Moto ayaa sheegay in 6 ka mid ah dadka dhaawacmay ay xaalladooda liidato, isla markaana lag daaweynayo Isbitaal ku yaalla Caasimadda Gobalka Amxaarada ee Baxar Daar (Bahir Dar).
Wararku waxay kaloo tilmaameen in laga yaabo inay tirada dhimashada sii korodho, maadaama ay jiraan Rakaab uu soo gaaray dhaawacyo khatar ah.