Wararka ka imaanaya dowlad deegaanka Somalia Itoobiya ayaa ku waramaya in ciidanka Liyuu Boolis ay halkaasi ka geysteen weerar dhaliyay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Wararka ayaa tilmaamaya in ciidanka Liyuu Boolis ay weerar gaadmo ah ay ku qaadeen deegaanka Allay Baay oo ay ku sugnaayeen dad shacab ah oo ka so jeeda deegaanada maamulka Soomaaliland isla markaana ay dad shacab ah iskugu dareen dil iyo dhaawac.
Deedaanka oo ku yaalla xadka ay wadaagaan Soomaaliland iyo Itoobiya ayaa la sheegay in Ciidanka Liyuu Boolis ay ku dileen 1-ruux iyada oo 2 kalana ay dhaawacyo kala duwani ka soo gaareen kadib rasaas ay ku fureen.
Arrintaan ayaa ka dambeeysay sia dadka deegaanku ay sheegayaan khilaaf iyo muran maalmihii la soo dhaafay ka dhex taagnaa dadka shacabka ah iyo ciidamada Liyuu Boolis.
Qofka rasaastaas ku geeriyooday ayaa meydkiisa waxaa loo qaaday Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya halka labada ruux ee dhaawacmay la geeyey Isbitaalka deegaanka Allay-baday ee gobolka Gabilay ee Soomaaliland.
Dhowr jeer ayaa la sheegay in ciidanka Liyuu Boolis ee dowlad degaanku ay dhacdooyin nooaan oo kala ah ay kaga geeysteen deegaanadaas ku yaalla xadka ay wadaagaan Soomaaliland iyo Itoobiya.