Wararka aan ka heleyno duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax xooggan halkaas lagula eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Federaalka.
Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa lala eegtay gaari nooca dagaalka ah oo ay la socdeen Ciidamo badan, wuxuuna qaraxa hareeray gaarigaas xili ay marayeen degaanka Gololey.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya inay maqlayeen jugta qarax xoogan, isla markaana uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Wararka hordhaca oo la helayo ayaa sheegaya in qaraxaas ay ku geeriyoodeen 7 Askari, halka 3 kalena ay ku dhaawacneen, waxaana Ciidankaas ay kasoo ambabaxeen Magaalada Jowhar, iyagoo kusoo jeeday Magaalada Muqdisho.
War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen mas’uuliyada qaraxaas ka dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyagoo sheegay inay ku dileen 10 Askari oo ka tirsan Ciidanka Milateriga dowladda Federaalka.