Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa Guutada 5-aad qeybta 27-aad ee Ciidanka dowladda ayaa maalintii labaad howlgalo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab ka wada inta u dhexeeysa degmooyinka Baladweyne, Matabaan iyo Maxaas ee Gobolka Hiiraan.
Howlgalkaan ayaa waxaa hoggaaminaya Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, Taliyaha Guutada 5-aad qeybta 27-aad ee Ciidanka xooga dalka Col. Maxamuud Xasan Ibraahim Baakaay iyo Taliyaha qeybta Booliska Hiiraan Isaaq Cali Cabdulle.
Taliyeyaasha horkacaya howlgalka ayaa waxaa ay sheegeen in ujeedka howlgalkan uu yahay mid lagu doonayo in Al-shabaab looga saaro meelaha ay kaga sugan yihiin inta u dhexeeysa degmooyinka Baladweyne, Matabaan iyo Maxaas ee Gobolka Hiiraan.
Guddoomiye Cali Jeyte Cismaan ayaa waxaa uu sheegay in doonayaan in shabaabka laga xorreeyo deegaanada ay joogaan iyo sidii dib soo celin lahaa xasiloonidii iyo hormarkii ay lahaayeen shacabka, waa sida uu hadalka u dhigay Guddoomiyaha.
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa Carabka ku adkeeyey sida aay muhiimka u tahay in la helo Amni, kalsooni iyo adeeg dowladnimo, isagoona intaas kusii daray in howlgalada noocaan oo kale ay kasii socon doonaan deegaanada Gobolka Hiiraan.
Si kastaba Al-shabaab ayaa waxaa ay marar kala duwan weeraro isugu jiray kuwo toos ah iyo qaraxyo ka geysteen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan, waxaana inta badan weerarada ku qaadeen Saldhig ay leeyihiin Ciidanka dowladda iyo kuwa Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS.