Ciidanka dowlad iyo kuwa Mareykan ah ayaa xalay saqdii dhexe waxa ay weerar ku qaadeen tuulooyin ay kamid yihiin Daanyeereey oo hoostaga Degmada  Owdhiigle ee Gobolka Sh/hoose.
Diyaaro ilaa labo iyo sedex gaaraya ayey ciidamada huwanta kaga dageen meel aan ka fogeyn goobta  ku dhexmaray Alshabaab iyo kuwa Huwanta.
Ciidamo  Mareykan ah ayaa la sheegay in ay qeyb ka ahaayeen dagaalkaasi,waxaana jira khasaaro labada dhinac soo gaaray.
Xubno katirsan Maamulka Gobolka Sh/hoose iyo kan Koonfur galbeed oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay faah-faahin dheeraad ah ay ka bixiyaan khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi,waxeesa noo xaqiijiyeen Jiritaanka Dagaalkaasi.
Dhinaca kale Taliska Howlgalka Mareykanka ee Africom ayaa Xaqiijiyay in Weerarkaas ay ciidamadooda qaadeen,oo looga dilay hal askari oo mareykan ah mid kalena looga dhaawacay.